Arsenal oo dhib la’aan saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Newcastle United… +SAWIRRO

(London) 16 Feb 2020. Arsenal ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay Newcastle United oo marti ugu aheyd garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 26-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana ciyaarta 1-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Daqiiqadii 57-aad Gunners ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Nicolas Pepe, iyadoo uu goolkan ka caawiyay xiddiga Bukayo Saka.

Daqiiqadii 90-aad Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay, kaddib markii uu dheesha 3-0 ka dhigay Mesut Ozil oo caawinta goolkan ka helay weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette.

Alexandre Lacazette ayaa daqiiqadii 90-aad soo xiray bandhigooda goolasha ee kulankan, wuxuuna dheesha ka dhigay 4-0, waxaana goolkan ka caawiyay Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Newcastle United oo marti ugu aheyd garoonka Emirates ee dhaca Waqooyiga Magaalada London.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close