Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Celta Vigo… (Miyuu qeyb ka yahay Hazard?)

(Madrid) 15 Feb 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Celta Vigo ee horyaalka La Liga.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa kooxda Real Madrid ayaa waxay habeen dambe ku soo dhaweyn doonaan naadiga Celta Vigo garoonka Santiago Bernabéu si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 19-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka Copa del Rey, waxaana liiskan dib ugu soo laabtay laacibka reer Belgium ee Eden Hazard.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ka maqan dhamaan xiddigaha kala ah Nacho Fernández, James Rodríguez, Lucas Vázquez, Marco Asensio Mariano Díaz iyo Brahim Díaz.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Celta Vigo ee horyaalka La Liga:

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close