Quique Setién oo dhaleeceeyay garsoorka kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Getafe

(Barcelona) 15 Feb 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Quique Setién ayaa dhaleeceeyay garsooraha maamulayay kulankii ay dhawaan kula ciyaareen naadiga Getafe garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa guul dirqi ah ka heshay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tisanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Quique Setién ayaa kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Macalinka kooxda Getafe ee José Bordalás wuxuu ka cabanayay dhex-dhexaadinta garsoorka”.

“Getafe waxay sameysay 29 qalad oo inaga dhan ah, waxaana ciyaarta kaga dhameysanay inagoo heysana kaararka digniinta ah in ka badan inta ay iyaga qaateen”.

“Waxaan fileynay in ciyaarta ay noqon doonto mid aad u dhib badan dabcan aad ayey u dhib badneyd, laakiin waxaan ku guuleysanay inaan helno xalal qeybtii hore”.

Intaas kaddib Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Quique Setién oo wax laga weydiiyay awooda Lionel Messi ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Waxaan heysanaa xiddigo tayo sarre leh, kuwaasoo inta badan muuqda waqtiyada adag, sida maanta oo kale waana tan aan dooneynay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close