MUUQAAL: Kooxda kubadda cagta Elman oo abaal-marin siisay labo ka mid ah xiddigaheeda

(Muqdisho) 15 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Elman ayaa xaflad waxa ay u qabatay ciyaartoydeeda, xafladdaas oo aheyd mid lagu dhiirigalinayay ciyaartoyda Naadiga.

Munaasabadan waxaa ka soo qeyb galay maamulka sare Kooxda, taageerayaasha, ciyaartoyda Naadiga iyo Marti sharaf kale, waxaana lagu bixinayay xiddiga ugu wanaagsanaa bishii la soo dhaafay kooxda iyo laacibka dhaliyey goolkii ugu quruxda badnaa bishii tagtay.

Taageerayasha kooxda Elman ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay codeyn ka wadeen baraha bulshada ay kooxda ku leedhahay dhinaca Internet-ka, waxayna doorteen xiddiga ugu wanaagsana bishii la soo dhaafay, waxaana hantiyay abaal-marintaas Jamaal Cabdiraxmaan, halka laacibka dhaliyey goolkii ugu fiican loo doortay ciyaaryahan Anwar Shankunda.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close