Liverpool oo iska sii wadata guulaheeda xiriirka ah, kaddib markii ay ka adkaatay Norwich City… +SAWIRRO

(England) 15 Feb 2020. Liverpool ayaa iska sii wadata guulaheeda xiriirka ah ee horyaalka, kaddib markii ay kaga adkaatay Norwich City 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 26-aad ee horyaalka horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda martida aheyd ee Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Sadio Mane, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordan Henderson.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Liverpool, waxayna haatan 25 dhibcood kaga hoggaaminayaan horyaalka Premier League naadiga booska labaad ku jirta ee Man City.

SAWARRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close