Kooxda Manchester United oo doonaysa inay iska iibiso Paul Pogba ka hor Euro 2020

(Manchester) 15 Feb 2020. Kooxda kubadda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikireyso suurta-galnima ay isaga iibinayso kubbad-abuurahooda cajiibka ah ee reer France Paul Pogba ka hor bilowga Euro 2020.

Inkastoo Man United ay horay ugu adkeysatay inuusan ciyaaryahanka khadka dhexe iib ahayn, waxaa isbuucaan soo baxay warka ah  in kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ay diyaar u tahay inay lacag ku hesho 26-sano jirkaan.

Xiddiga heerka caalami ee Waddanka Faransiiska ayaa la sheegay inuu ku heli karo qiimo dhan 83 milyan oo gini, taasoo ah qiimaha lagu weydiisanayo kaasoo xiiseynaya muddo dheer kooxaha ay xafiiltamaan ee Real Madrid iyo Juventus.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Man United ayaa dooneysa inay sida ugu dhaqsaha badan suuqa u dhigto ku guuleystaha Koobka Adduunka si lacagaha kaga so xarooda ay ugu soo iibsato lacibiin kale suuqa xagaaga.

Warbixinta ayaa tibaaxaysa in mas’uuliyiinta kooxda ay sidoo kale ka feejigan yihiin kubbadsameeyahan inuu dhaawac soo gaaro marka uu soo kabto, taasoo ah carqalad ku noqon kara dadaalkooda ay ku doonayaan inay isaga iibiyaan xiddigooda suuqa xagaaga.

Pogba qandaraaska uu kula jiro haatan kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa dhammaanaya sanadka 2022, iyadoo ciyaaraha Euro la ciyaari doono 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close