Barcelona oo guul dirqi ah ka heshay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Barcelona) 15 Feb 2020. Barcelona ayaa guul dirqi ah ka heshay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tisanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 33-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lionel Messi.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Barcelona ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Sergi Roberto iyadoo uu goolkan ka caawiyay Junior Firpo.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Getafe ayaa la timid gool, waxana dheesha 2-1 ka dhigay Angel Rodriguez, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jaime Mata.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close