Taageerayaasha Liverpool oo helaya war farxad leh ee ku saabsan Sadio Mané kahor kulanka Norwich City

(Liverpool) 14 Feb 2020. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Sadio Mané uu ka soo kabsaday dhaawacii uu garoomada kaga maqnaa tan iyo dabayaaqada bishii Janaayo.

Sadio Mané ayaa dhaawac muruqa ah soo gaarey 23-kii Janaayo wuxuuna seegay dhowr ciyaarood oo muhiim ah, laakiin wuxuu ku soo noqday waqtigii ku habboonaa ka hor kulanka ay kooxdiisu la ciyaareyso naadiga reer Spain ee Atletico Madrid.

Liverpool ayaa ciyaari doonta berri oo sabti ah, kulanka Norwich City ee ka tirsan kulamada 26-aad ee horyaalka Premier League, kaddib Atletico Madrid ayey kula ciyaari doontaa lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Sadio Mané ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool xilli ciyaareedkan, madaama uu dhaliyay 11 gool, isla markaana uu sameeyay lix baas oo muhiim ah, kaddib 22 kulan Premier League ah uu ciyaaray.

Si kataba ha noqotee, Reds ayaa farqi weyn ku hoggaamineysa horyaalka Premier League, waxay uruursadeen 74 dhibcood, iyagoo haatan 22 dhibcood ka sareeya kooxda ku soo xigta ee Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close