“Henderson waa ciyaaryahanka ugu fiican Premier League” – Andrew Robertson

(Liverpool) 14 Feb 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Andrew Robertson ayaa aamminsan in saaxiibkiis kula sugan Reds ee Jordan Henderson uu u qalmo in loo caleemo saaro abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee horyaalka Premier League.

Dhinaca kale Andrew Robertson ayaa cadeeyay in kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson uusan helin ixtiraamkii uu u qalmay balse la gaaray waqtigii la ixtiraami lahaa.

Jordan Henderson ayaa loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu fiican Ingiriiska sanadka 2019, wuxuuna abaal-marintan ku garaacay xiddigaha Raheem Sterling iyo Hotspur Kane, laakiin hadda wuxuu noqday murashaxa ku guuleysan kara abaal-marinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League.

Haddaba Andrew Robertson ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sport” ee wadanka Ingiriiska wuxuu ku sheegay:

“Jordan Henderson wuxuu u qalmaa abaal-marinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League, waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, isla markaana ah hoggaamiye cajiib ah”.

“Wuxuu nagu hoggaamiyaa inaan gacanta ku dhigno saddex dhibcood waqtiyada qaar ee adag xilli ciyaareedkan marka aan dhibtooneyno”.

Si kastaba ha noqotee, Intii lagu guda jiray 24-kii ciyaarood ee uu kala qeybgalay Liverpool horyaalka Premier League, xiddiga reer England ee Jordan Henderson ayaa wuxuu dhaliyay 4 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 3 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close