RASMI: Ajax oo xaqiijisay in Hakim Ziyech uu u dhaqaaqi doono kooxda Chelsea xagaaga soo socda

(Holland) 13 Feb 2020. Kooxda Ajax Amsterdam ayaa maanta oo Khamiis ah ku xaqiijisay website-keeda rasmiga ah, in heshiis ay la gaartay naadiga Chelsea, kaasoo ku aadan in Hakim Ziyech uu u wareegi doono Blues 1-da July 2020.

War rasmi ah ee ka soo baxay kooxda Ajax Amsterdam ayaa lagu yiri:

“Qiimaha heshiiska wuxuu gaarayaa 40 milyan oo euro, wuxuuna sarre uga kici karaa 44 milyan”.

Heshiiska uu Hakim Ziyech kula jiro kooxda Ajax ayaa wuxuu gaarayaa ilaa iyo xagaaga 2022.

Markii ugu horeysay uu Hakim Ziyech xirtay maaliyada kooxda Ajax waxay aheyd 11-ka Sebtember  2016 kulan ay la ciyaareen SBV Vitesse.

Waxaa xusid mudan in Hakim Ziyech uu Ajax kala qeyb qaatay ilaa iyo haatan 159 kulan, tan iyo markii uu kooxda yimid 2016-kii, wuxuuna dhaliyay 48 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 82 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close