“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Cristaino Ronaldo” – Ivan Rakitić

(Barcelona) 13 Feb 2020. Xiddiga kooxda Barcelona ee Ivan Rakitić ayaa si cad u sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu ka garab ciyaaro Cristaino Ronaldo, isagoo ku tilmaamay in loo arko inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu weyneyd taariikhda kubadda cagta.

Ivan Rakitić ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Barcelona tan iyo markii uu yimid Frenkie de Jong, laakiin kooxda reer Catalonia ayaa iska diiday inay fasaxdo suuqa bishii lasoo dhaafay ee January, sababa la xiriira tiro yarida xiddigaheeda qadka dhexe.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Ivan Rakitić waxaana uu yiri:

“Wararka xanta ah waa qeyb ka mid ah kubadda cagta, waa inaad fahantaa taas, waana inaad diyaar u tahay bisha Janaayo, waa inaad ku faraxsnaato, waa inaad ka fikirtaa qoyskaaga, haddii aan u ciyaarayo Barca markaas waan faraxsanahay”.

“Waa wax cajiib ah inaan ka garab ciyaaro Messi, waa arrin qaas ah, marxalad kasta waxaa jira ciyaartoy waa weyn oo kubadda cagta ah, laakiin Lio xaqiiqdi waa kan ugu fiican 15-kii sano ee la soo dhaafay, feker ahaanteyda, isagu waa kan ugu fiican markasta”.

Image result for Ivan Rakitić and Cristiano Ronaldo

Intaas kaddib Ivan Rakitić ayaa la weydiiyay su’aal la xiriirta Cristaino Ronaldo iyo Neymar Jr wuxuuna yiri:

“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Cristaino Ronaldo, waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu weyneyd taariikhda, Neymar waxaan doonayaa inaan ku soo darsado kooxdeyda waa hubaal,  laakiin isaga ayaa go’aansan doono waxa ugu fiican, waa saaxiib wanaagsan, waxaana rabaa inuu faraxsanaado”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close