WAR CUSUB oo ka duwan kuwii hore ee ka soo baxaya heshiiska ay Man Utd ku dooneyso xiddigaha Maddison iyo Grealish

(Manchester) 12 Feb 2020. Manchester United ayaa dooneysa inay heshiis la gaarto xiddigaha James Maddison iyo Jack Grealish inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda si ay ugu xoojisato safka kooxda.

Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxay rajeynayaan inay ku laabtaan booska ay u qalmaan, si ay ugu tartamaan ku guuleysiga koobab ee gudaha iyo banaankaba ah.

Warbixin uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in maamulka kooxda Manchester United ay miiska soo saareen qiimo dhan 160 milyan oo ginni si ay u helaan adeegyada James Maddison iyo Jack Grealish.

Si kastaba ha noqotee, xiddigaha James Maddison iyo Jack Grealish ayaa waxay qaab ciyaareed cajiib ah ku bixinayaan kooxahooda Leicester City iyo Aston Villa kulamada ay xilli ciyaareedkan kaga soo muuqdeen Premier League, taasoo ay si weyn ula dhaceen saraakiisha Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close