Qaar ka mid ah dhallinyarada Magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka adag ee galabta dhex mari doono Elman iyo dekedda

(Muqdisho) 12 Feb 2020. Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium ee dhaca degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banadir, waana kulankii 8-aad ee fasal ciyaareedkan laga dheelayo horyaalka.

Kani waa kulanka dagaalka hogaanka horyaalka Somali Premier League, maadama ay labada kooxood kala horeyan 3-dhibcood oo qura, Elman ayaa ah kooxda hogaanka heesa waxeyna leedhahay 17-dhibcod halka Dekedda ay ku jirta booska 3-aad ee kala sareynta waxeyna leedhahay 14-dhibcood.

Ciyaartan ayaa ah mid isla xisaabtan ku dhis, maadama ay kooxda Dekedda ay guuldaro 5-0 kala soo kulantay naadiga Mogdisho City Club, halka Elman ay cashar u soo dhigtay wiilasha Cawo iyo maalin ee Horseed.

Naadiga Elman ayaa sanadkan damacsan iney hanato horyaalka iyado isha ku heesa kooxaha kale ee ku soo xiga halka Dekedda ay rabto iney markii afaraad oo xiriir ah ay ku guuleysato horyaalka Somali Premier League.

Haddaba dhanka hoose ka daawo aragtida ay ka dhiigbteen qaar ka mid ah dhalinyada Magaalada Muqdsho Kulanka adag kooxaha Elman iyo dekedda ee galabta ku dhex mari doono Eng Yariisow Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close