Paul Merson oo kula taliyay Mikel Arteta in uu soo qaato xiddig hore ee kooxda Chelsea ah

(London) 11 Feb 2020. Paul Merson ayaa rumeysan in Arsenal ay soo qaadato daafacii hore kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London Chelsea ee Nathan Ake kaas oo ka tirsan haatan kooxda Bournemouth.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Netherlands Nathan Ake oo 24 sano jir ah ayaa si deg-deg ah u noqday ciyaaryahanada ugu wanagsan ee Bournemouth tan iyo afar sano ka hor sidii uu kaga soo biiray Chelsea.

Macallin Eddie Howe oo la dhacay qaab ciyaaredka Nathan Ake ayaa heshiis joogta ah kula wareegay adduun lacageed dhan £20million.

Chelsea ayaa lala xiriirinayay in ay  dooneyso in ay dib u soo ceshato daafaceedii hore, laakin Merson ayaa ku booriyay in Arsenal ay soo qaadato xiddigan.

Mar la weydiiyay Paul Merosn halka ay ka jilicsan tahay kooxda Mikel Arteta ayuu ku jawaabay isagoo la hadlayay “Sky Sports” ee dalka England:

“Waxay u baahan yihiin daafac dhexe iyo qad dhexe oo aad u sareeya”.

“Waxaan aaminsanhay in ay u baahan tahay in ay ciyaarto saddex daafac, kuma fiicana kumana filna in ay ciyaaran afar daafac”.

“Ake waa xiddig fiican, kana ciyaara England, hadii aad la soo wareegtaan xilli ciyaaredka soo adan, ma ahan ciyaaryahan u baahan waqti si uu ula qabsado horyaalka muddo 6 bilood ah”.

Suuqii ugu horeysay ee Arsenal, macallin Arteta ayaa sameeyay labo saxiix oo daafacyo ah waana Pablo Mari oo ay ka soo qaateen Flamengo iyo Cedric Soares oo ay ka soo qaaten Southampton.

Arsenal ayaa kaliya guuleysatay 3 ciyaar tan iyo markii Arteta uu badalay Emery bishii December iyagoo kulankooda ugu horeeya wajihi doona todobadka soo adan kooxda Newcastle United.

Gunners ayaa ku jirta booska 10-aad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League xilli ay 10 dhibcood u jiraan kooxda booska afaraad fadhida ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close