Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo maanta lagu ciyaarayo garoonka Eng Yariisow

(Muqdisho) 11 Feb 2020. Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng yariisow Stadium ee dhaca degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waxayna dhaxmari doonta Kooxaha kala ah Heegan iyo Gaadiidka, labadan kooxood ayaa diyaar-garow xooggan u galay kulan ciyaareedkan aadka u weyn.

Kooxda kubadda cagta Heegan kulankii ugu dambeeyay waxa ay 2-0 ugu soo adkaatay naadiga Raadsan.

Wiilasha Gaadiidka kulankii ugu dambeeyay ay horyaalka ka ciyaaran waxay guuldarro 2-0 ay kala soo kulmeen kooxda kubadda cagta Midnimo.

Horyaalka Somali Premier League ayaa sanadkan ah mid aad u xiiso badan dhamnmaan kooxaha badi waa kuwa u diyaarsan inay la hardaman dhiggooda, taasoo ku muujinaysa in aysan jirin koox liidata.

Naadiga Ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulanka galabta waxaa dhaawac ugu maqnaanaya daaficeeda Saadam Cabdulaahi, kaas oo ciyaartan seegi doono.

Kooxda Otobaarka ee Gaadiidka ayaa sanadkan waxaa ka muuqda habacsanaan aad u weyn marka loo eego kulamadii ugu dambeyay ay ka dheesho horyaalka Somali Premier League, waxayna ku jirta kaalimaha ugu hooseeya horyaalka kala sareyntiisa.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Heegan vs Midnimo

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close