Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setién oo ka hadlay guushii dirqiga ahayd oo ay ka soo gaareen Real Betis

(Barcelona) 10 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa si dirqi ah kaga adkaatay dhigeeda Real Betis kaddib ciyaar ka dhacday Estadio Benito Villamarin oo ay ku adkaadeen 3-2.

Inkastoo ay qaateen saddexda dhibcood ee ciyaarta, haddana Catalans  ayaa wali 3 dhibood waxaa looga hayaa hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain.

Haddaba, ciyaarta markii ay soo dhammaatay Setien ayaa saxaafadda u sheegay: “Waa in waxyaabahan aan siinnaa qiimahooda.”

“Waxaa jira waxyaabo aan si ka sii fiican u qaban karnay, laakiin waan faraxsanahay.”

Macallin Setien ayaa dareensan in Real Betis ay tahay koox si wayn ula xifaaltantay intii uu socday kulanka, islamarkaana dhinacooda ay kala kulmeen cadaadis badan.

“Waxaa jira cadaadis badan oo aan kala kulanay.” ayuu markale yiri macallin Quique Setién.

“Waxaan ku bilaabannay xaalad adag si raaxana kuma qaadan dhibic kasta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close