RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha January ee horyaalka La Liga oo lagu dhawaaqay

(Spain) 10 Feb 2020. Waxaa shaaca laga qaaday xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka La Liga bishii lasoo dhaafay ee January.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa ku dhawaaqay in ciyaaryahanka goosha u qabta Real Madrid ee Thibaut Courtois loo magacaabay xiddiga bisha January ee horyaaalka Spain.

Goolhaayeha caalamiga ah ee qaranka Belgium ayaa bisha koowaad ee sanadkan ay u aheyd mid qurux badan ka gadaal markii laga dhaliyay 1 gool saddex kulan oo kooxdiisa Real Madrid ay ciyaartay.

Goolhayihii hore ee Chelsea ayaa dhaliilo badan la kulmay tan iyo sidii uu kaga mid noqday Real Madrid.

Hadaba, aan eegno natiijooyinka kooxdiisa Madrid ay gaartay iyo kooxaha ay la ciyaartay horyaalka bishii Janaayo.

Getafe 0-3 Real Madrid

Real Madrid 2-1 Sevilla

Valladolid 0-1 Real Madrid.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close