Kooxda Manchester United oo hoos u dhigtay xiisihii ay u qabtay James Maddison

(Manchester) 10 Feb 2020. Kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa hoos u dhigtay xiisaha ay u qabtay laacibka khadka dhexe ee Leicester  City, James Maddison  sida uu ku warramayso Jariiradda Daily Express.

Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay in xiddiga Naadiga Foxes uu keeno garoonka Old Trafford tan iyo suuqii xagaaga ee kala iibsiga ciyaartoyda.

Haddaba, Kooxda Leicester City ayaa rajeynaysa in kubbad sameeyaheeda ay heshiis cusub ka saxiixato, taasoo yareenaysa rajada ay Man United ka qabto ciyaaryahankan.

23-sano jirkan ayaa 13 gool dhaliyay 10 kalena caawiye ka ahaa xilli ciyaaredkan kulamada uu u dheelay kooxdiisa.

Man United ayaa hadda bartilmaameed ka dhiganaysa kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish, waxaana la sheegayaaba inay heshiis la gaartay oo uu laacibkan Old Trafford imaan doono suuqa xagaaga.

Kooxda Villa ayaana laacibkeeda waxa ay ku qiimeysa adduun lacageed dhan 60 milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close