Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos oo xalay sameeyey rikoor weyn kaddib markii uu gool ka dhaliyey Osasuna

(Madrid) 10 Feb 2020. Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid  ayaa xalay sameeyay rikoor weyn kaddib markii uu gool ka dhaliyey Osasuna kulankii ay Los Blancos ku adkaatay 4-1.

Ramos ayaa sidaasi goolal ku dhalinaya 20 garoon oo kala duwan kulammadda horyaalka La Liga, inkastoo uu sidoo kale gaaray rikoor kale oo cajiib ah.

Ramos waxa uu sii wadaa rikoorkiisa maadaama uu goolal ku dhaliyay 20 garoon oo kala duwan kaddib markii uu xalay goolkiisii 90-aad  ee tartammada oo dhan u dhaliyay Real Madrid.

Sergio Ramos inkastoo uu yahay daafaca dhexe, haddanna taasi kama aysan reebin uu goolal badan dhaliyo, waxaana uu noqday xiddiga kaliya ee 17 horyaal oo xiriir ah gool ka dhalinayay.

Xaqiiqdii, garoommadaas 20-ka ah, Ramos waxa uu ku dhaliyay guud ahaan 28-gool waana waxqabad uu ku soo bandhigay meel ka baxsan garoonka Estadio Santiago Bernabeu ee kulammada La Liga Santander.

Ramos ayaa goolasha ugu badan ee bannaanka ah ku soo dhaliyay gegadda Sanchez Pizjuan, maadaama uu halkaasi u ansixiyay saddex gool ,halka uu labo gool ku dhaliyay garoomadda  Camp Nou, RCDE Stadium, Coliseum Alfonso Perez, Son Moix iyo Mestalla.

14-ka garoon ee soo harayna 33-sano jirkaan ayaa ku dhaliyay min hal  gool oo kaliya.

Daafaca ayaa markiisii ugu horreysay u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii 2005/06, laakiin ilaa iyo 10-ka bishii Sebtember sanadkii 2015-kii, waxa uu La Liga ka dhaliyay 63 gool.

Ramos, inkastoo uu goolal badan dhaliyay xirfaddiisa Real Madrid waxaa jira kaliya hal garoon oo uusan waligiis gool ku dhalin, waana garoonka Kooxda Granada ee Estadio Nuevo Los Carmenes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close