Zinedine Zidane oo falanqeeyay guushii ay ka gaareen kooxda Osasuna

(Madrid) 09 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa falanqeeyay guushii ay ka gaareen naadiga Osasuna.

Real Madrid ay guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay garoonka El Sadar, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar ka tisaneyd kulamada 23-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kaddib sida caadiga ah wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dhamaanteen waan ku faraxsanahay inaan ku guuleysano garoon yar oo dhib badan oo aan kaga hor imaanay koox adag, waan ogeyn waxa aan wajihi doonno kulankan”.

“Waxaan xakameynay ciyaarta laakiin waxaa naga dhashay gool, balse isla markiiba waxaan dhalinay goolal, taasna waxay ina siisay kalsooni, waxaan halkan ka bilaawnay inaan si fiican u ciyaarno”.

“Wax badan ayaan fiicnaanay qeybtii labaad, guusha ma aheyn wax fudud balse waan u qalanay”.

“Waan ogeyn in Osasuna ay weerar qaadi doonto bilawga ciyaarta, waxay ku soo galeen si xoogan, waxaana jirtay daqiiqado gaar ah oo ay adkeyd in la helo kubadda”.

“Waan sii wadi doonaa shaqada aan hadda qabanay, sababtoo ah wali kuma guuleysan horyaalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close