Real Madrid oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Madrid) 09 Feb 2020. Real Madrid ay guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay garoonka El Sadar, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar ka tisaneyd kulamada 23-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Osasuna ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Unai Garcia, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ruben Garcia.

Daqiiqadii 33-aad kooxda martida aheyd ee Real Madrid ayaa la timid goolka bar-bardhaca waxaana u dhaliyay oo 1-1 ka dhigay Isco.

Daqiiqadii 38-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay Sergio Ramos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Casemiro.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxayna sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 84-aad Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-3 ka dhigay xiddiga reer Spain ee Lucas Vazquez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Karim Benzema.

Daqiiqadii 90-aad Real Madrid ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-4, waxaana goolkan u dhaliyay Luka Jovic.

Ugu damneyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-4 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close