“Messi ma’ahan Ronaldo, mana ka ciyaari karo Premier League” – Sidaas waxaa yiri xiddig hore oo Barcelona ah

(Barcelona) 09 Feb 2020. Xiddigii hore khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Emmanuel Petit ayaa aaminsan in Manchester City iyo Manchester United ay tahay iska iloobaan saxiixa Lionel Messi, maadaama uusan u diyaarsanayn Premier League sida Cristiano Ronaldo oo kale.

Emmanuel Petit  ayaa si cad u sheegay in Messi uu dhawaan soo gabagabayn karo xirfaddiisa ciyareed waxaana uu yiri: “Messi ma’ahan Cristiano Ronaldo jir ahaan, isagu ma’ahan mashiin, daacaddii uma maleynayo inuu ku habboon yahay Messi Horyaalka Ingriiska.”

“Farxad ayey u ahaan lahayd taageerayaasha Ingiriiska inay arkaan, laakiin aniga ma arko sababta koox sida Manchester City oo kale ah ay ugu dhaqaaqayso Messi oo 32-sano jir ah ama 33 sano jir ah.”

“Haddii Man City ay doonaysay inay soo iibsato Messi, dhowr sano ka hor inay soo iibsadaan ayey ahayd, Ronaldo waa mid aysan da’du karin, laakiin Messi kaliya hal ama labo sano ayuu ka sii ciyaari karaa heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.”

“Messi xitaa isagoo ka garab ciyaaraya ciyaartoy waa ween Barca, ma lahan xawaare la mid ah ama awoodda CR7 oo kale, waxaan hubaa inuu ogyahay in dhammaadka xirfaddiisa aysan fogayn.” ayuu hadalkiisa ku sii daray xiddigii hore ee kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close