Juventus oo xaqiijisay in wadahadal qandraas kordhin ah ay kula jirto Dybala

(Turin) 09 Feb 2020. Agaasimaha ciyaara kooxda kubadda cagta Juventus ee Fabio Paratici ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen wada hadal ay ku doonayaan in heshiiska ay ugu cusbooneysiiyaan wereryahankooda Paulo Dybala.

Dybala oo 26 sano jir ah ayaa xilli ciyaared fiican ku qaadanaya Juve inkastoo la la xiriiriyay in uu ka tagayo magaalada Turin.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Argentina ayaa dhaliyay 11 gool 29 kulan oo ololahan uu ka soo muuqday tartamada dhan.

Paulo Dybala ayaa heshiikiisa Juventus waxa uu dhici doona sanada 2022 iyadoo agaasime Fabio Paratici uu tilmaamay in ciyaaryahankan ay qandraaska u cusbooneysiinayaan.

“Waa ciyaaryahan aasaasi ah, Numberka 10-aad ee kooxda Juventus, waan naqaanaa” ayuu yiri Agaasimaha ciyaara kooxda kubadda cagta Juventus ee Fabio Paratici.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close