Inter oo guul soo laabsho cajiib ah kaga gaartay AC Milan kulankii adkaa ee Milan Derby… +SAWIRRO

(Milano) 10 Feb 2020. Inter ayaa guul soo laabsho cajiib ah ah kaga gaartay kooxda AC Milan kulankii adkaa la wada sugayay ee Milan Derby, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2, xilli kulankan uu qeyb ka ahaa kulamada 23-aad ee horyaalka Serie A.

Qeybta hore kulanka Milan Derby ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda AC Milan.

Daqiiqadii 40-aad Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Ante Rebic, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Zlatan Ibrahimovic.

Daqiiqadii 45-aad Milan ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Zlatan Ibrahimovic, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Franck Kessie.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxayna sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad Inter ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 ka dhigay Marcelo Brozovic.

Markale daqiiqadii 53-aad kooxda Inter ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca kaddib markii uu dheesha 2-2 uu ka dhigay Matias Vecino.

Daqiiqadii 70-aad Inter ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Stefan De Vrij, waxaana caawinta goolkan lahaa Antonio Candreva.

Daqiiqadii 90-aad Romelu Lukaku ayaa ciyaarta ka dhigay 4-2 ay ku hogaamineysay kooxda Inter.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-2 ay kaga adkaatay Inter Milan kooxda AC Milan kulankii adkaa la wada sugayay ee Milan Derby.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close