Bayern Munich oo kula dagaalameysa Arsenal iyo Barcelona saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga

(Munich) 09 Feb 2020. Wararka ka soo baxaya gudaha Germany ayaa waxa ay sheegayan in Bayern Munich ay kula soo biirtay kooxaha Barcelona iyo Arsenal raacada loogu jiro daafaca RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

Kaddib bandhigiisa wacan ayaa kooxo badan oo qaarada yurub ah waxay la socdaan xaalka daafacan dhexe laakiin markan waxaa ku soo biirtay naadiga Bayern Munich taas oo diyaar u ah in ay soo qaadato.

21 sano jirkan ayaa qandraaskiisa RB Leipzig waxaa lagu burburin karaa aduun lacageed dhan £50million.

Kooxda ka arimisa garoonka Allianz Arena ayaa ka warqabta in mustaqbal fog uusan kooxdooda ka laheen daafaca jooga dheer ee Germnay Jerome Boateng, kaas oo ku guuleystay in kooxda uu iska sii joogo kaddib markii la wariyay in bishii Janaayo ee aan soo dhaafnay uu kooxdiisa ka tagayo.

RB Leipzig ayaa qatar ugu jirta in xiddigeeda ay ku qasaarto haddii ay la furi weyso wadahadalo qandraas kordhin ah, maadama ay 18 bilood ka dhiman tahay qandraaskiisa Dayot Upamecano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close