“Waan kula guuleysan karaa Champions League kooxda Juventus” – Cristiano Ronaldo

(Turin) 07 Feb 2020. Weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Juventus ay siisay fursad cusub si uu ugu tartamo ku guuleysiga UEFA Champions League.

Cristiano Ronaldo oo ku soo guuleystay tartankan Champions League shan jeer oo horey ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada uu kula guuleysan karo kooxdiisa haatan ee bianconeri.

Ronaldo oo 35 jir ah ayaa ku dhaliyay maaliyada kooxda Juventus 22 gool, 28 kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed aad u cajiib ah.

Cristiano ayaa wuxuu si cad u sheegay inuu doonayo ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League markiisii Lixaad ee xirfadiisa ciyaareed kubadda cagta.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay “Canal 11” waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan kula guuleysan karaa Champions League kooxda Juventus”

“U ciyaarista Juventus waxay i siisay fursad aan markale ugu tartami karo inaan guuleysto, waana ogahay in tani ay noqon doonto hawl adag”.

“Waxay ku xirnaan doontaa dhowr arrimood, laakiin waan sameyn karnaa sababtoo ah waxaan haysanaa koox wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close