“Waxaa biloowday sanadihii wacnaa ee Liverpool” – Rio Ferdinand

(England) 06 Feb 2020. Daafacii hore kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa qiray in Liverpool ay sanadkan ku guuleysan doonto horyaalka Premier League islmarkaana ay yimaadeen sanadihii Reds.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu sareysa jadwalka horyaalka Premier League, waxa ayna 22 dhibka ka sareeyaan kooxda ku soo xiga ee fadhida booska 2-aad ee Man City.

Reds ayaa soo af jari doonta labo xilli ciyaared oo isku xigta oo horyaalka ay ku guuleysaneysay kooxda kubadda cagta ee Manchester City.

Hadaba, Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan wuxuuna yiri.

“Waxay u muuqdaan koox loo dhisay mid muddo fog sii jiri karta qaabka awoodeeda”.

“Si fudud uguma guuleysan, laakiin 4 ama 5 sano ka hor ayeey miro abuurteen, hadana waxa ay bilaabeen in ay gurtaan”.

“Waxaa la siiyay waqti iyo qeyraad hadana waxaa bilowday sanadahooda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close