Taageere Afar sano garoomada laga ganaaxay kaddib markii uu Jinsi faquuq u geystay xiddig ka tiran Chelsea

(England) 06 Feb 2020. Taageere ayaa garoomada laga ganaaxay mudo dhan 4 sano in uusan u soo xaadiri karin garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta, kaddib markii uu aflagaado dhinaca jinsiga ah kula kacay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham.

Taageerahan lagu magacaabo Josef Smith ayaa Abraham waxa uu ku tilmaamay Daanyeer, taas oo uu loo arko liidasho uu ugu geestay dhinaca midibka.

Hadaba, Taageryahan 40 sano jirka ah una sacabatuma kooxda Wolves ayaa 4 sano laga gabaaxay garoomada kubadda cagta.

Dhacdadan ayaa dhacday 14 September sanadii tagtay ee 2019, intii ay socotay dheshii ka dhacday garoonka Molineux markaasoo Chelsea ay 5-2 kaga adkaatay Wolves.

Kubada cagta qaarada Yurub ayaa marar badan lagu arkay ciyaartoyda madowga ah ee jinsigooda lagu aflagaadeeyo, iyadoo Kiisas ceyn kaan oo kale ah si weyn loogu arko horyaalada England iyo Italy.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close