RASMI: Waqtiga la daah furi doono horyaalka Premier League ee xilli ciyaaredka 2020/21 oo la shaaciyay

(England) 06 Feb 2020Horyaalka kubadda cagta ee Premier League ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay horyaalka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee qaarada Yurub .

Horyaalka ayaa waxaa difaacaneysa kooxda kubadda cagta ee Manchester City taas oo ku guuleysaney labadii xilli ciyaared ee ugu dambeysay.

Laakiin sanad ciyaaredkan ayaa waxa ay u muuqataa mid ku guuleysan karta kooxda Liverpool oo horyaalka ku hogaamineysa farqi dhan 22 dhibood.

Hadaba, waxaa shaaca laga qaaday waqtiga rasmiga ah ee la furi doono horyaalka Premier League ololaha 2020/21.

Taariqdu marka ay ku beegan tahay August 8 ayaa si rasmi ah loo furi doonaa horyaalka xilli ciyaaredka soo adan.

August 9 ee sanadii tagtay habeen Jimco ah ayaa ooda laga qaaday horyaalka xilli ciyaaredka haatan soconaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close