Pep Guardiola oo ka hadlay qaab ciyaareedka Ansu Fati ee kooxda Barcelona

(Manchester) 06 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaanay da’ayarka Barcelona ee Ansu Fati, kaasoo bandhigiisu uu soo jiitay indhaha caalamka oo dhan.

17 jirkan ayaa bandhig fiican ka sameeyay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan, wuxuuna 19 kulan uu ciyaaray ku dhaliyay 5 gool, isagoo kooxdiisa ku hoggaamiyay inay guul ka gaarto kulankii la soo dhaafay ee horyaalka La Liga ay kula ciyaareen Levante, kaddib markii uu dhaliyay 2 gool.

Haddaba Pep Guardiola oo ka hadlayay qaab ciyaareedka Ansu Fati ee kooxda Barcelona ayaa wuxuu yiri:

“Waa 17 jir aad ayuu u yar yahay, waxaan la kulmay Ernesto Valverde, wuxuuna ii sheegay inuu jiro ciyaaryahan da’ayar oo aad u wanaagsan, waxaana arrintaas ogaaday markii aan arkay isagoo ciyaaraya”.

Intaas kaddib macalinka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la weydiiyay su’aal ah suurtogalnimada uu Kevin De Bruyne ugu biiri karo Real Madrid wuxuuna ku jawaabay:

“Florentino Perez waa inuu ila soo xiriiraa haddii uu doonayo inuu helo Kevin De Bruyne”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close