Kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub oo saf ugu jira Lionel Messi

(Yurub) 06 Feb 2020. Sida laga soo xiganayo wargeyska dalka Talyaaniga ka soo baxa ee “La Gazetta dello Sport” Kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub ayaa waxay diyaar u yihiin inay dalab ka gudbiyaan Messi.

Kooxaha kala ah Man City, Man Utd, Inter, Juventus iyo PSG ayaa dhamaantood waxa ay xiiseynayaan suuqa xagaaga in ay soo qaatan Weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi.

Macallinka Man City ee Pep Guardiola ayaa doonaya in mar kale uu la midoobo xiddigan laakiin kooxda difaacaneysa Premier League ma fileynin inuu Messi ka tagayo Barca.

Man United ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha kale ee doonaya taas ku dhibaatooneysa in ayba u soo baxdo tartanka UEFA Champions League.

Laakiin kooxda ka dhisan magaalada Turin ee Juventus ayaa qorsheeneysa in layaab ay suuqa ka dhigto maadaama ay ku riyooneyso inay wada ciyaaran xiddigaha Ronaldo iyo Messi.

Lionel Messi ayaa heshiiskiisa kooxda kubadda Barcelona uu dhici doona dhamaadka xilli ciyaaredkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close