Athletic Club oo gaartay afar dhammaadka Copa Del Rey markii ay Tareenka tartanka ka tuurtay Barcelona… + SAWIRRO

(Barcelona) 06 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Athletic Club ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka Copa Del Rey kaddib markii ay tartanka ka cirib tirtay naadiga Barcelona oo marti u ahayd.

Kulankan ayaa Barcelona looga adkaatay gool laga dhaliyey xilligii dhimashada dheesha, waxaana Barca lagu garaacay 1-0.

Waxaa qeybtii hore ee kulankan lagu kala nastay goolal la’aan 0-0, inkastoo labada dhinac ay isku heleen fursado goolal loo filan karay.

Labada kooxood midna uma suuro-galin inay gool la yimaadaan illaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaartay oo ay Athletic Club la timid goolka guusha oo uu u dhaliyey Inaki Williams kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Barcelona.

Lionel Messi iyo Kooxda uu kabtanka u yahay ee Barcelona ayaa tartanka Copa Del Rey isaga soo haray, waxaana ay gaari waayeen afar dhammaadkiisa, iyadoo horayna tartankan looga reebay caawa Kooxda Real Madrid oo la kulantay guuldarro 4-3.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in tartanka Copa Del Rey ay afar dhammaadkiisa isugu soo hareen afarta kooxood ee kala ah; Granada, Mirandes, Real Sociedad iyo Athletic Club.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close