Maxay aheyd farriintii uu Macallin Klopp la wadaagay da’ayarta Liverpool inta uu socday kulankii xalay ee Shrewsbury Town?

(Liverpool) 05 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa u gudubtay wareega 5-aad ee tartanka caanka ah ee FA Cup-ka kaddib gool uu dhaliyay Ro-Shaun Williams  ay kaga adkaatay kooxda Shrewsbury Town.

Ciyaatoydan ay da’adoodu ka hooseysay 23-ka sano ayaa waxaa hoggaaminayay tababaraha labaad ee Liverpool Neil Critchley, iyagoo u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Hadaba, Liverpool ayaa isku aadkii horaantii todobad ka hor la sameeyay waxa ay Anfield ku qaabili doontaa kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Tababaraha labaad kooxda Liverpool ee Neil Critchley ayaa shaaca ka qaaday in Klopp uu fariin u diray da’ayartiisa ka hor iyo intii lagu gudo jiray ciyaarta, taasoo ku aadaneed in ay waji doonan Chelsea.

“Macallinku waxa uu fariin ku aadan ahmiyada ciyaarta u diray da’ayartiisa iyo  erayo waano ah, taageeridiisuna waxay aheyd mid cajiib ah”. Critchley ayaa sidaa yiri kaddib ciyaarta.

“Aad ayuu ugu farxay wax qabadka iyo natiijada ciyaarta”.

“Waxaa jira fariin uu soo diray qeybta koowaad iyo dhamaadka ciyaarta”.

“Waxaa jirtay fariin ku aadaneyd in aan u helli doono fursad aan ku wajahno Chelsea, mid, labo ama gabi ahaanteenba, taasoo ku xiran wax qabadkeena”.

Inkastoo ciyaartoyda Liverpool ee safka hore waqti la siiyay, ayaa hadane James Milner uu xaadir ka ahaa kulankii FA Cup-ka.

Hadaba sidan ayuu noqon doonaa wareega 5-aad ee tartanka FA cup.

Sheffield Wednesday vs Manchester City

Reading vs Sheffield United

Chelsea vs Liverpool

West Brom vs Newcastle United

Leicester City vs Birmingham City

Derby County vs Manchester United

Southampton or Tottenham vs Norwich City

Portsmouth vs Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close