Kooxda Juventus oo Bayern Munich ka dulqaadaysa saxiixa xiddiga Man City ee Leroy Sane

(Yurub) 05 Feb 2020. Kooxda Kubadda cagta Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayso inay suuqa xagaaga u dhaqaaqdo garabka Kooxda Manchester City ee Leroy Sane, iyadoo Kooxda reer Talyaani ay si taxaddar leh ula socoto ka soo kabsashadiisa dhaawaca.

Bayern Munich ayaa sidoo kale la la xiriirinaayey Sane, waxayna wararku sheegayaan inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ku dhawaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Bundesliga intii lagu jiray xagaagii hore.

Sida laga soo xigtay Inside Futbol, Juve ayaa qiimeynaysa haddii ay kula tartami karto Bayern saxiixa Sane, kaasoo wali kasoo kabsanaya dhaawac daran oo soo gaaray xagaagii hore.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in 24-sano jirkaan uu haysto fursad uu kaga tagi karo Man City, inkastoo kooxda Bavarian-ka la timaamayo inay tahay meesha uu door-bidayo inuu ku biiro.

Sane ma uusan ciyaarin hal daqiiqo kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka intii lagu jiray kulankii bardhammaadka tartankan Community Shield.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan garabka ka ciyaara ayaa ku dhow inuu ku laabto dalka uu ka soo jeedo ee Jarmalka, waxaana laga yaabaa inuu u safto kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola bishaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close