Hudson-Odoi, Abraham & Pulisic oo hoggaaminaya liiska xiddigaha Chelsea ee ka qeyb galaya wareegga 16-ka Champions League

(Yurub) 05 Feb 2020. Hudson-Odoi, Abraham & Pulisic ayaa hoggaanka u haya liiska xiddigaha Kooxda Chelsea eek a qeyb galaya wareegga 16-ka Champions League, iyadoo sidoo kale ay ku jiraan Kepa iyo Willian.

Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa lagu soo daray shaxda Champions League ee Chelsea uga qeyb galaya tartankan heerkiisa bug-baxa.

Sidoo kale Blues ayaa liiskeeda ku darsatay goolhayaha da’da yar ee Nicolas Tie waxaana uu kaga jiraa safkan Liiska ‘B’.

18-sano jirkaan ayaa akadeemiga Blues ku soo biiray xagaagii 2017-kii, waxaana uu qeyb ka ahaa shaxdiisa horumarka ka sameysay tartanka da’yarka ee FA Youth Cup.

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa go’aansan doona goolhayaha uu shaxda ku bilaabi doono saddexda goolhaye ee kala ah Kepa, Willy Caballero iyo Jamie.

Haddaba halka hoose kaga boggo magacyada liiska xiddigaha kooxda Chelsea ee kaga qeyb galaya wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League:-

Goolhayeyaasha: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Jamie Cumming*, Nicolas Tie*.

Daafacyada: Cesar Azpilicueta, Marcos Alonso, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Kurt Zouma, Fikayo Tomori, Reece James*.

Khadka Dhexe: Jorginho, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Ross Barkley, Ruben Loftus-Cheek, Billy Gilmour*, Mason Mount*.

Weerarka: Willian, Pedro, Tammy Abraham, Christian Pulisic, Olivier Giroud, Michy Batshuayi, Callum Hudson-Odoi*.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close