Booskee ayuu Bruno Fernandes ka galay xiddigaha Portuguese-ka ah ee ugu qaalisan Premier League?

(Manchester) 05 Feb 2020. Waxaa la shaaciyey 10-ka ciyaaryahan ee Portuguese-ka ah kuwaasoo ugu qaalisan Premier League, waxaana arrintaan ay soo shaac baxday marka ciyaaryahanka reer Portugal ee Bruno Fernandes uu ku biiray Man United.
Bernardo Silva ayaa hoggaaminaya Liiskan, kaasoo qiimihiisu yahay 100 milayn oo euro, Bruno Fernandes ayaana booska labaad ka soo muuqday, halka Gedson saldhigtay kaalinta 10-aad.
Saxiixa cusub ee Man Utd, Bruno Fernandes ayaa ah ciyaaryahanka labaad ee ugu qiimaha badan Portugal ee ka xamaasha haatan horyaalka Premier League isagoo qiimihiisu gaarayo ilaa 60 milyan oo euro.
Waxaa sidoo kale kaalinta 10-aad ka soo galay qiimeyntan ciyaaryahan Gedson Fernandes kaasoo ku fadhiya qiimo gaaraya 15 milyan oo euro, waxaase xusid mudan in xiddiga khadka dhexe ee Man City, Bernardo Silva uu hoggaaminayo liiskan, kaasoo ku qiimeysan adduun dhan 100 milyan oo euro.
Xiddigaha ka soo jeeda Wadanka Portugal ee ugu qiimaha badan horyaalka Premier League, halkaan hoose ka eeg:-
Bernardo Silva – €100m
Bruno Fernandes – €60m
Neves – €50m
Cancelo – €50m
Pereira – €40m
Jota – €35m
Gomes – €28m
Dalot – €20m
Patricio – €20m
Gedson Fernandes – €15m
Gool FM.