Benzema & Asensio oo hoggaaminaya liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya wareegga 16-ka Champions League

(Madrid) 05 Feb 2020. Karim Benzema ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid uga qeyb galaya wareegga 16-ka tartanka Champions League.

Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid Marco Asensio ayaa sidoo kale ku jira Liiska Los Blancos ay u diryaarsatay heerka bug-baxa ee Champions League.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa wajahaysa naadiga Premier League ka dhisan ee Manchester City labada lugood ee wareegga 16-ka Champions League ee bishan Febraayo.

Asensio ayaan Los Blancos u ciyaarin xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray intii lagu guda jiray ciyaarihii isdiyaarinta xilli ciyaareedka ee Mareykanka.

Haddaba halka hoose kaga boggo magacyada liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Areola, Altube, Belman.

Daafacyada: Carvajal, Militao, Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Mendy, Sergio López, Fran García, Adri, Javi, Víctor Chust.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Bale, Casemiro, Fede Valverde, James, Marco Asensio, Brahim, Isco, Martín, Franchu, Álvaro Bravo, Marvin Park, Baeza, Antonio Blanco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Jovic, Lucas Vázquez, Mariano, Vinicius, Rodrygo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close