Angel Di Maria oo shaaca ka qaaday inuu iska diiday xirashada lambarka 7-aad ee Kooxda Man United & Lambarkii uu markaas ka dalbaday!

(Paris) 05 Feb 2020. Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta PSG iyo xulka qaranka Argentine ee Angel Di Maria ayaa si cad u sheegay inuu iska diiday xirashada lambarka 7-aad ee kooxda Manchester United waqtigii uu kaga soo biiray naadiga Real Madrid sandkii 2014-kii.

Lambarka 7-aad ee Kooxda Manchester United, waxaa soo xirtay halyeeyo waa weyn oo kooxda soo maray, muhiimna u noqday xilligoodii sida Eric Cantona, David Beckham iyo ninka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan adduunka ee Cristiano Ronaldo.

Angel Di Maria ayaa la waydiiyay sababtii uu u qaadan waayay lambarka todobaad ee Kooxda Manchester United waqtigii uu ku biiray, waxaana uu ninka reer Argentine u sheegay Website-ka rasmiga ah ee Ligue 1  sirta ka dambeysay inuu iska diiday xirashada lambarka 7-aad.

Angel Di Maria oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yiri: “Ma garanayo dhab ahaan markii aan tagay Manchester United waxaan arkay lambarka 11 oo bannaan (aan la xiran).”

Di Maria ayaa hadalkiisa ku sii daray: “Lambarka 11-aad waa lambar aan xiran jiray wax badan, markii aan yaraa waxaana jeclaa in aan u xirto  Real Madrid inkastoo lambarka 11-aad uu ahaaa mid horay loo qaatay ayaan door-biday xirashadda lambarka 22-aad, Manchester United ayaa i siisay lambarka 7-aad, ma dooran anigu, waxaana jecleystay lambarka 11-aad, xitaa PSG waxaan ikhtiyaar u helay doorashada lambarro badan, sidaas darteed waxaan doortay lambarka 11-aad.”

31-sano jirka garabka ka ciyaara ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay garoonka Old Trafford intii uu macallin u ahaa Louis van Gaal ka hor inta uusan u dhaqaaqin Kooxdiisa haatan uu ka tirsan yahay ee Paris Saint-Germain.

Di Maria ayaa dhaliyay afar gool 32 kulan uu saftay intii uu joogay Man United, iyadoo Man United ay ku dhammeysatay kaalinta afaraad ee Premier League xilli ciyaareedkaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close