RASMI: Sergio Aguero oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bishii Janaayo ee Kooxda Manchester City

(Manchester) 04 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay in weeraryahankeeda Sergio Aguero uu ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa kooxda bishii Janaayo ee la soo dhaafay kaddib waxqabadkiisii wacnaa ee uu la soo muuqday bilawga sanadka cusub ee 2020.

Sergio Kun Aguero ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Kooxda Manchester City, waxaana loo arkaa mid ka mid ah halyeeyada loogu jecel yahay kooxda lagu neynaaso Muwaadiniinta.

Yeelkeede, Weeraryahanka taariikhiga ah ee Kooxda Manchester City ee Aguero ayaa loo gacan galiyay abaal-marintaan qiimaha leh, mana ahan markiisii ugu horreysay oo uu ku guuleysto abaal-marintaan.

Ninka reer Argentina ayaa diiwaan galiyay bishii la soo dhaafay ee Janaayo tiro goolal ah oo gaaraya 7 gool, wuxuuna caawiyay hal gool oo kale dhammaan kulamadii uu matalay bisha Janaayo Kooxdiisa.

Sergio Kun Aguero ayaa afar xilli ciyaareed oo kala duwan Manchester City kula guuleystay horyaalka xiisaha badan ee Premier League, waxaana loo arkaa mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu halista badan qaaradda waynta Yurub.

Si Kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa u gacan galisay Sergio Aguero abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Kooxda bishii Janaayo ee laga soo gudbay kaddib hanaankiisii wacnaa ee uu la soo muuqday bilawga sanadka 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close