Pep Guardiola oo xiddigaha kooxdiisa qolka labiska ku xirtay in ku dhow saacad kaddib guuldarradii ka soo gaartay Tottenham

(Manchester) 03 Feb 2020. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu ciyaartoydiisa ku haystay qolka labiska muddo 50 daqiiqo ah kaddib guuldarradii xalay  ka soo gaartay Tottenham Hotspur kulankii ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Kooxda lagu naynaaso muwaadiniinta ee Manchester City ayaa casaan laga siiyay Oleksandr Zinchenko waxaana ay khasaariyeen rigoore iyo fursado badan oo goolal loo filan karay ka hor inta aysan ugu dambeyn guuldarro ka soo gaarin kooxda Jose Mourinho ee ka dhisan caasimadda Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay Wargeyska Daily Mail, Guardiola ayaa kooxdiisa ku haystay qolka labiska ku dhawaad saacad kaddib markii ay ciyaarta dhammaatay, inkastoo tababaraha reer Spain uu markii dambe beeniyay inuu si gaar ah u dhaleeceeyay ciyaartoydiisa.

Macallinkan 49-sano jirkan ah ayaa isagoo la hadlayay Sky Sports News ciyaarta kaddib waxa uu yiri: “Waligey ma dhaleecayn xiddigaheyga, wax qabad ahaan?, waxaan la hadlayay shaqaalahayga iyo xaaskeyga iyo qaar ka mid ah ciyaartoydeyda bandhig ahaan , waa khalad aad u wayn in aan ku tilmaamo kuwa xun, dhowr jeer ayaan galnay xaladdaan oo kale, mana aysan jirin wax dhaleecayn iyo eedeyn ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close