Pep Guardiola oo ka hadlay wax qabadka Mikel Arteta ee kooxda Arsenal

(Manchester) 03 Feb 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaanay wax qabadka Mikel Arteta ee naadiga ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal.

Pep Guardiola ayaa sheegay in ku xigeynkiisii hore kooxda Manchester City ee Mikel Arteta uu haatan shaqo fiican ka qabanayo naadiga reer London ee Gunners.

Wargeyska “Manchester Evening News” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Arteta wuxuu qabanayaa shaqo aad u wanaagsan waan ogahay inuu ku faraxsan yahay halkaas” ayuu yiri Pep Guardiola mar wax laga weydiiyay Mikel Arteta.

Tan iyo markii uu Mikel Arteta qabtay shaqada tababarka Arsenal, wuxuu Gunners hoggaamiyay 9 kulan, wuxuu guul gaaray saddex kulan oo labo ka mid ah ay ahaayeen koobka FA Cup, waxaana uu bar-bardhac galay shan kulan, waxaana laga badiyay hal kulan kaasoo ay la ciyaareen kooxda Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close