Muxuu ka yiri Ansu Fati kaddib markii uu xalay noqday geesigii Barcelona?

(Barcelona) 03 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa 2-1 oo dirqi ah waxa ay kaga adkaatay naadiga Levante, kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga ee dalka Spain iyadoo 3 dhibcood u jirsatay Real Madrid oo hogaamineysa horyaalka.

Ansu Fati ayaa Barcelona 2 gool u dhaliyay daqiiqadihii 30-aad iyo 31-aad, taas oo u horseeday kooxdiisa in guul ay ku gaaraan garoonkooda Nou Camp.

Ansu oo 17 jir ah ayna u wehliyaan 95 maalmood ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee 2 gool ka dhaliya horyaalka dalka Spain.

Hadaba, Ansu Fati ayaa shaaca ka qaaday in uu ka faa’ideysan doono fursad kasta oo uu helo kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Levante.

“Had iyo jeer waan ku riyoonayay waqtigaan oo kale, waxaan si buuxda ugu mahadceliyo macallinka kaas oo isiiyay fursadan”. Ansu ayaa sidaasi u sheegay Movistar.

Fati oo ka hadallayay rikoodhka cusub ee uu sameeyay ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray

Image result for ansu fati

“Hada wax ayan kuu sheegay laakin ma garanayo wax aan ku sheegayo, waxaan rabaa in aan sameeyo sare u kac, islmarkaana aan ka faa’ideesto fursad kasta oo aan helo”.

“Saaxiibadeyda aan isku kooxda nahay ayaan wax walba waxay iiga dhigaan fudeed, waxaan rabaa in qof walboo iyaga ka mid ah aan u mahad celiyo”.

Fati ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo gabo gabeeyay in uu si weyn ula shaqeyn doono, Lionel Messi kaas oo caawiye ka ahaa labadii gool ee uu dhaliyay.

“Sanado badan waxa ay iga baxeen inaan daawado isaga (Messi), hadda waxaan ula shaqeyn doona si adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close