David Beckham oo doonaya inuu la soo wareego mid ka mid ah saddexda Weeraryahan ee ugu muhiimsan Barcelona… (Messi, Suarez mise Griezmann?)

(Miami) 03 Feb 2020. Inter Miami ayaa lagu soo warammayaa inay dalab u dirayso mid ka mid ah saddexda weeraryahan ee ugu muhiimsan kooxda Barcelona.

David Beckham waxa uu doonayaa inuu soo qaato oo uu soo gabagabeeyo saxiixa weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann.

Kooxda ka dhisan Florida ee haatan isku diyaarinaysa xilli ciyaareedkooda ugu horreeya ee MLS-ka, waxayna raadinayaan inay soo jiitaan xiddigo magacyo waa weyn leh si ay kooxooda u xoojiyaan.

Bilihii la soo dhaafay ciyaartoyda sida Luis Suarez, Edinson Cavani iyo David Silva ayaa dhammaantood la la xiriirinayay inay u wareegayaan Mareykanka si ay ugu biiraan Inter Miami.

Sida laga soo xigtay Wargeyska L’Equipe, Griezmann waa ciyaaryahan kale oo David Beckham uu ku darsaday liiskan, inkastoo weeraryahanka uu kaliya ku jiro sanadkiisii ugu horreeyay ee garoonka Camp Nou.

Inkastoo xiddiga reer France qandaraas uu kula jiro kooxda reer Catalonia uu gaarayo ilaa sanadka 2024-ka, haddana wararka ayaa tilmaamaya in Griezmann uu dalab ka helayo naadiga Inter Miami.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Inter Miami ay diyaar u tahay inay dalab xooggan ka gudbiso 28-sano jirkaan ka hor inta uusan go’aansan mustaqbalkiisa xiga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close