Cristiano Ronaldo oo ka fiican kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid sanadkan 2020

(Turin) 03 Feb 2020. Marna lama ogolaan karo in hal ciyaaryahan la la bar-bardhigo koox dhan, laakiin weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu had jeer isku dayaa inuu ku  guuleystaa sameynta waxyaabo cajiib ee kubadda cagta la xiriira.

Kaddib bandhig liita uu sameeyay Cristiano Ronaldo bilawga xilli ciyaareedkan, wuxuu isbuucyadii lasoo dhaafay uu ku guuleystay in marka ay ugu yartahay uu gool dhaliyay 9-kii kulan ugu dambeeysay uu ka ciyaaray horyaalka Talyaaniga, wuxuuna gaaray 19 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan booska labaad ka soo galay dhanka miiska kala sareynta gooldhalinta horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, wuxuuna ka dambeeyaa weeraryahanka Lazio ee Ciro Immobile kaasoo dhaliyay 25 gool ilaa iyo haatan.

Tan iyo bilawgii 2020, Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ku guuleystey inuu 9 gool ka dhaliyo horyaalka talyaaniga 5-tii kulan ee ugu dambeysay, iyadoo cel-celis ahaan uu gool dhaliyay 1.8 kulankiiba, wuxuuna gool dhaliyay ugu yaraan gool hal jeer dhamaan kulmadan.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xiddiga reer Portugal uu ka goolal badan yahay kooxo dhan, waxaana hoggaamineysa Barcelona oo dhalisay 5 gool sanadka cusub ee 2020, inta lagu guda jiray 4 kulan oo La Liga laga ciyaaray.

Kaliya ma ahan Barcelona kooxaha uu ka goolal badan yahay ilaa iyo haatan sanadkan cusub Cristiano Ronaldo ee wuxuu sidoo kale ka goolal badan yahay kooxdiisii hore ee Real Madrid, taasoo dhalisay 7 gool tan iyo bilowgii 2020.

Si kastaba ha noqotee, Rikoorradan ayaa waxay muujinayaan kaliya heerka ay gaarsiisan tahay gooldhalinta Cristiano Ronaldo, sidoo kale waxay xaqiijinayaan inay jiraan dhibaatooyin dhab ah ee dhanka weerarka ka heysta kooxaha xilfaltama ee Barcelona Real Madrid muddadii ugu dambeysay, inkasta oo ay ahaayeen kuwa ugu awoodda badan Yurub. tobankii sano ee la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close