Kooxaha Burnley Iyo Arsenal oo barbaro ku kala baxay… +SAWIRRO

(England) 02 Feb 2020. Kooxaha Burnley iyo Arsenal ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Turf Moor, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 25-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Burnley iyo Arsenal, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Turf Moor.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close