Horudhac: Burnley vs Arsenal… (Kooxaha isku dhibcaha ah ee Clarets iyo Gunners oo galabta ku wada ciyaaraya garoonka Turf Moor)

(Burnley) 01 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor galabta oo Axad ah ku soo dhoweynaysa naadiga Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Waxaa sheekada kulankan xiiso u sii yeelaya in labada kooxood ee Burnley iyo Arsenal ay isku dhibco yihiin horyaalka Premier League oo ay wadaa leeyihiin min 30 dhibcood, ka hor kulankooda galabta.

Si kastaba ha noqotee Burnley waxaa looga sarreeyaa farqiga goolasha iyadoo Clarets ku jirta kaalinta 14-aad, halka Arsenal ay fadhiso booska 12-aad ee kala horreynta horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 02 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 05:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Christopher Kavanagh (England)

Wararka Kooxaha:-

Burnley ayaysan u badnayn inay ku soo bilaabi doonto kulankan saxiixa cusub ee Josh Brownhill, laakiin waxa uu ku jiraa shaxdooda.

Ashley Barnes iyo Johann Berg Gudmundsson ayaa sii joogteyn doona maqnaanshahooda dhaawacyda, Phil Bardsley ayaa dib uga soo laabtay dhaawac dhabarka ah oo uu la maqnaa.

Kabtanka Kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo David Luiz ayaa diyaar u ah kulanka kaddib markii ay soo dhammaysteen ganaaxyadooda.

Gunners ayaa qiimeynaysa taam ahaanshaha Sead Kolasinac, Shkodran Mustafi iyo Reiss Nelson iyo sidoo kale saxiixyadeeda cusub ee Pablo Mari iyo Cedric.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Arsenal ayaa guuleysatay 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Burnley tartammada oo dhan.

>- Kooxda Arsenal ayaa barbaro galaysay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda (Away).

>- Gunners ayaa ugu yaraan dhalisay labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday kooxda Burnley tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close