Cristiano Ronaldo oo ka hadlay dareenkiisa kaddib goolkiisii 50-aad ee horyaalka Talyaaniga

(Turin) 02 Feb 2020. Weeraryahanka xulka Qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay dareenkiisa ah in 50 oo horyaalka Talyaaniga uu u dhaliyo kooxdiisa Juventus.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Manchester United iyo Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa 2 gool oo gool ku laad ah dhaliyay intii ay socotay ciyaartii Fiorentina oo ay kaga adkaadeen 3-0.

34 sano jirkan ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray:

“Way wanaagsan tahay in aan dib u helnay guusha, waxaana ku faraxsanhay in mar kale aan gool ku dhaliyo garoonkeena!”.

“Waan ku faanayaa in aan gaaray goolkeygii 50-aad ee aan ku dhaliyay maaliyada kooxda Juventus”

Cristiano Ronaldo ayaa 4 gool u jira Cirro Immobile kaas oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaaredkan.

Si kastaba ha noqotee, Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii 2-aad ee 9 kullan ee xiriir ah gool u dhaliya Juventus, kaddib Trezeguet oo sameeyay sanadii 2005.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close