Barcelona oo Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Levante, xilli Ansu Fati kulankan si weyn isugu muujiyay… +SAWIRRO

(Barcelona) 03 Feb 2020. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Levante, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay da’ayarkooda Ansu Fati, waxaana goolkan ka caawiyay Lionel Messi.

Daqiiqadii 32-aad Barcelona ayaa la dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha, waxaana markale 2-0 ka dhigay Ansu Fati, Lionel Messi ayaana markale ka caawiyay goolkan.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Levante ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay Ruben Rochina.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda martida ugu aheyd garoonka Camp Nou ee Levante.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close