Saddex sano kaddib Kooxda Elman oo la wareegtay hoggaanka horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 01 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Elman ayaa sanadkaan ku jirta bandhig aad u wacan, iyadoo iminka hoggaanka horyaalka haysa.

Wiilasha lagu naanayso Jaalayaasha ee Elman ayaa kulankii ugu dambeyay horyaalka ka dheeshay, waxay 6-1 ugu soo adkaatay naadiga Rajo FC.

Kooxda Elman ayaa muddo saddex sano ka hor ayaa ugu dambeysay inay hoggaanka horyaalka  Somali Premier League qabato, balse sanadkaan ayey soo afjartay taariikh xumadii ay ka haysatay hoggaanka horyaalka, waxayna ku haysa farqi goolal oo gaarsiisan 6-gool, inkastoo ay isku dhibco ay yihiin naadiga Dekedaha, iyagoo wada leh min 14-dhibcood.

Naadiga Elman ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee fasal ciyaareedkan Horyaalka ku badiso hal kulan lix gool, taasoo ku muujinaysa inay ku jirto bandhig aad u qurux badan.

Elman ayaa ku taamaysa inay soo gabagabayso ku guuleysi la’aan horyaalka Somali Premier, waxaana ugu dambeysay sanad ciyaareedkan 2012-kii.

Kulanka soo aaddan kooxda Elman waxay la dheeli doonta naadiga Horseed ciyaar dhici doonta maalinta khamiista ay taariikhda ku beegan tahay 06-02-20.

Si kastaba, kooxda Elman ayaa wali la kulmin guuldarro  iyadoo ciyaartay lix kulan oo ka mid ah horyaalka Somali Premier League.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close