Real Madrid oo guul dirqi ah kaga gaartay Atletico Madrid garoonka Santiago Bernabeu… +SAWIRRO

(Madrid) 01 Feb 2020. Real Madrid ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Atletico Madrid garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada looxood.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay Karim Benzema, waxaana goolkan ka caawiyay Ferland Mendy.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guul kaga gaartay Real Madrid kooxda Atletico Madrid oo marti ugu aheyd garoonka Santiago Bernabeu, Los Blancos ayaana haatan ku qabatay hoggaanka horyaalka La Liga 6 dhibcood nadiif ah, kahor ciyaarta habeen dambe dhax mari doonto kooxaha Barcelona iyo Levante.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close